Xog Cusub Oo Laga Helay Kitaabkii Nabi Ciise Ku Soo Degay Ee Asalka Ahaa Ee Saadaaliyey Soo Bixitaankii Nebi Muxamed (NNKHA) Oo Dalka Turki Lagu Hayo Iyo Boga Kaliya Oo 1.5 Milyan Gini La Qiimo Ah.

by admin | Friday, Dec 15, 2017 | 526 views

Kitaabkii asalka ah ee ay hadda dadka Kiristaanku aaminsan yihiin loona yaqaan Bible-ka ayaa si sir ah loogu hayaa dalka Turtiga waana kitaabkii saadaaliyey soo bixitaankii Nebi Muxamed (NNKHA) ka kor intii aanu dhalanba markaas oo ay dadkii haystay kibtaabkii saxda ahaa ee Nabi ciise lagu soo dajiyay ay ogaayeen in uu soo baxayo nebi saban aakhir ah oo Moxamed la odhan doono.

Kitaabkan (Bible) oo laga qaaday kiniisadaha qaddiimiga ah ee Kiristaanka ee ku taal Fatikanka , ayaa Baadiriga Pope Venedict XVI uu sheegay inuu arkay kitaab 1,500 sanno jiray, kaasoo ku dooday inuu yahay kitaab la odhan jiray Gospel of Barnabas. Waxa u sheegay in Bible waddanka Turkiga lagu qarinayey 12kii sannadood ee u dambeeyey.

Kitaabkan oo qiimahiisu dhan yahay £14 milyan gini ama pound, waxa ku jira dahab, waxaannu ku qoran yahay luqadda la yidhaa Aramaic, waxana ku qoran saadaal uu ku sheegayo in Nebi Muxamed (NNKHA) dunida loo soo diri doono Ciise kadib. Caadiyan dadka aaminsan Bibleka ayaa inxiraaf iyo badal ku sameeyay kitaabkii asalka ahaa ee ilaahay ku soo dajiyay Nebi Ciise calayhi Salaam.

Kitaabkan oo ka samaysan saan iyo dahab, waxa gacanta ku dhigay booliska Turkiga waqti ay qaadeen hawlgal ka dhan ah tahriibinta sannadkii 2000-kii, balse waxa si adag loo ilaaliyey wixii ka dambeeyey 2010kii, markii la dhigay carwo la yidhaa Ankara Ehtnography Museum, iyadoo waqtiyada qaarna loo furo in ay dadku daawadaan.Bog keliya oo ka mid ah qoraalka kitaabkan ayaa qiimahiisu dhan yahay £1.5 milyan Pound ama gini.

Wasiirka Dhaqanka & Dalxiiska ee Turkiga Mr. Ertugrul Gunay, ayaa sheegay in kitaabkan uu yahay qayb ka mid ah Bible asalka ahaa ee la odhan jiray Gospel aamma kitaabkii Injiil ee Nebi ciise lagu soo dajiyay, taasoo Kiniisadaha Kiristanka lagu cadaadiyey in ay qariyaan maadaama uu diinta Islaamka dhiirrigelinayo.

Maadaama oo kitaabkii Injiil iyo Furqaan oo Nebi Muxumed lagu soo dajiyay ay wax badan iskaga mid yihiin isla markaana ayna isku mid ahayn Bible-ka isbadalka joogtada ah lagu sameeyo ayaa kitaabkan hore looga qarin jiray isaga oo ah kitaab taariikh badan soo jiray.

Wasiirka Turkiga ee Mr. Ertugrul Gunay ayaa sidoo kale sheega in Fatikaanku uu soo dirsaday codsi rasmi ah oo ay ku doonayeen inay arkaan kitaabka, kaasoo muslimiintu aaminsan yihiin inuu yahay Bible asalka ah ama kitaabkii lagu soo dajiyay Nabi Ciise.

Kitaabkan ayaa waxa uu diidaa waxyaabo badan oo Kiristaanku waqtigan sameeyaan, sida sheekooyinka been abuurka waynka ah ee in Nebi Ciise ahaa Alle amma Wiilka Alle dhalay taas oo aan gabi ahaanba ku jirin kitaabka asalka ah waana sababta uu kitaabkan Turki yaal uu ku fashilinayo waxyaabaha been abuurka ah ee Nebi ciise loogu been abuurto.