Qaramada Midoobay Oo Dawlada Federaalka Soomaaliyada Ku Amaantay In Ay Sanadkan 2017 La Dagaalantay Musuq Maasuqii Wadanka Ragaadiyay.

by admin | Saturday, Dec 30, 2017 | 122 views

Qaramada midoobay ayaa qiimayn dhamaystiran oo ay sanadkan 2017 samaysay ayaa lagu sheegay in dawlada federaalka Somaliya ay ku guulaysatay la dagaalanka musuq maasuqa, waxaana warkan soo saaray wakiilka ergayga xogahaya guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya ee Micheal Keating ayaa dawlada Somaliya si wayn ugu amaanay horurka laga sameeyay dhinaca xasiloonida iyo la dagaalanka argagixisada.

Michael Keating ayaa sheegay in colaadaha iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Somaliya ay dhibaato ku noqon karto horumarka ay ku talaabsaday dawlada Federaalka Somaliland.

Michael Keating ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay in xaalada bini aadamnimo ee Somaliya ay sii xumaanayso isla markaana ay dadwaynaha dhibaato badani ka soo gaadho kooxaha xagjirka ah.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada midoobay u qaabbilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba u qabsoomeen wax wanaagsan Sanadkan dhammaanaya ee 2017-ka.

Qoraal kooban oo uu Michael Keating soo dhigay boggiisa Tweeter-ka ayuu ku sheegay in Sanadkan dabayaaqada ah ee 2017-ka uu Soomaaliya u ahaa mid wanaagsan, Sanadka 2018 kana uu rajeynayo in guulo wax ku ool ah ay bulshadu gaarto.

Wuxuuna intaa ku daray inay Qaramada Midoobay samayn doonto wax kasta oo ay ku gaari karto bulshadu natiijooyin la taaban karo , si loo hagaajiyo ammaanka loona abuuro fursado shaqo , gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa kaalin mug leh kaga jira fursadaha shaqo ee ay helaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, wuxuuna Sanadkan cusub ee 2018-ka diiradda saari doonaa jiheynta Dhallinyarada si loo yareeyo ka faa’iideysiga kooxaha xagjirka ah iyo ku dhiirrrashada Tahriibta.

Shares 0