DARAASAD: Wadamada Ay Kooxda ISIS Ka Hesho Hubka Ay Kaga Dagaalanto Iraq Iyo Syria Oo Daraasad Buuxda Lagu Soo Bandhigay.

by admin | Sunday, Dec 31, 2017 | 505 views

Baadhitaano iyo daraasad lagu sameeyay hubka ay isticmaasho kooxda ka dagaalamaysa wadamada Iraq iyo Syria kuwaas oo magacooda loo yaqaan  Islamic State of Iraq and Syria (ISIS). Baadhitaano soo socda tan iyo sanadkii 2014 kii ilaa sanadkan dhamaadka ah ee 2017 ayaa lagu ogaaday wadamada ay ISIS ka hesho hubka casriga ah ee ay ku dagaalanto.

Waxaa daraasadan sameeyay Conflict Armament Research kuwaas oo baadhitaano ku sameeyay 40,000 kun walxood oo laga soo qaaday dalalka Iraq iyo Syria oo ay ISIS ka dagaalanto waxaana xogtan lagu daabcay majalada caanka ah ee Forbes taas oo daaha ka qaaday boqolkiiba tirada wamada ay ISIS ka hesho hubka ay ku dagaalanto.

Waxaa xogtan idiin soo turmay Shabakada Warsoor24.com waxaanad xogtan kaga bogan kartaa halkan hoose:

Sida daraasadan lagu cadeeyay dalka China ayaa boqolkiiba 43.5% hubka siiya kooxda ISIS ee ka dagaalanta wadamada Iraqa iyo Syria taas oo muujinaysa in kooxdani ay si wayn ugu tiirsan tahay adeega hubka casriga ah ee dalka China.

Wadanka labaad ee ay ISIS hubka ugu badan ka hesho ayaa ah dalka Romania sida xogta daraasadan lagu cadeeyay waxayna boqolkiiba 12.1% hubka ay ku dagaalanto ISIS Ka heshaa dalka Romania halka boqolkiiba 9.6% uu dalka Ruusku yahay kan hubka siiya ISIS.

Dalka Hungary ayaa boqolkiiba 7.2% bixiya hubka ISIS ay dagaalka kula jiraan Iraq iyo Syria halka Bulgaha ay boqolkiiba 5.3% bixiso hubka ay ISIS ku dagaalanto. Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah in dalka Iran uu yahay kan ugu hooseeya ee hubka siiya ISIS waxaana xogtan lagu sheegay in boqolkiiba 0.9% ay ISIS hubka ka hesho Iran.

Waxaana Iran ka badan USA ama dalka Maraykanka oo boqolkiiba 1.8% ay ISIS hubkiisa ku dagaalanto haddaba xogtan oo dhamaysitran halkan hoose kaga bogo.

Wadamada Poland,Jamhuuriyada Czech, Iraq, Germaany iyo Serbia ayaa sidoo kale ka mid ah wamada daraasadan lagu sheegay in ay ISIS ka hesho hubka ay ku dagaalanto.