Hinaasaha Guriga Cad Ee Maraykanka Looga Arimiyo Iyo Xaaskii Hore Ee Donald Trump Oo Sheegtay In Ay Marwada Kowaad Tahay Iyo Jawaabtii Ay Bixsay Xaaskiisa Haddu.

by admin | Sunday, Dec 31, 2017 | 574 views

Xaaskii hore ee madaxweynaha Maraykanka ee Ivana Trump oo ay soo wada qaateen waqtigii u dhexeeyay 1977 illaa 1992 kii, ayaa isku sheegtay in ay tahay marwada koowaad ee dalka Maraykanka kadib markii ay ay dhowaan waraysi siisay talefishanka ABC oo ay uga warbixinaysay buuggeeda xusuusqorka ee ay soo saartay. Xaaska uu imika qabo Trump oo ah Marwada Koowaad ee Maraykanka ayaa markiiba ka jawaabtay hadalka xaaskii hore, oo ay ku tilmaamtay, mid magac raadis iyo in ay indhaha dadka isku soo jeedinayso

Ivana oo Trump u dhashay saddex carruur ah oo ay ku jirto inantiisa guriga cad awoodda ku leh ayaa ku andacootay in ay haysato lambar taleefan guriga cad ah oo ay toos ugala xidhiidhi karto odaygeeda hore. Iyada oo weliba ku faantay in ay laba toddobaad oo kasta hal mar la hadasho madaxweyne Trump.

Laakiin ay aad isu dhowrto, oo sababta aanay joogto ugula hadlin ay tahay dhowris ay dhowrayso shucuurta xaaskiisa hadda waxayna tidhi “Ma doonayo in aan hinaase iyo wax la mid ah abuuro”  Waxase ay dadka kaga yaabisay markii ay hadalka sii wadday ee ay sheegtay in ay iyadu tahay marwada koowaad waxayna tidhi; “Asal ahaan aniga ayaa ah xaaskii koowaad ee Trump, ma garatay? Aniga ayaa ah marwada Koowaad”.

Markiiba waxaa hadalladan ka soo jawaabtay marwada koowaad ee maraykanka oo ereyo kulul oo ay CNN u soo marisay agaasimaheeda warfaafinta, “Marwo Trump (Melania), iyada iyo wiilkeeda Barroon iyo madaxweynaha ayaa deggen Guriga Cad.

Waxa ay ku sharfantahay kaalinteeda ah Marwada Koowaad ee Maraykanka” Melania oo u muuqata in ay Ivana ku dhalleecaynayso in sababta hadalkan oo dhan ka keentay ay tahay in ay indhaha dadka ku soo jeediso buuggeeda cusub ayaa intaas ku sii dartay, in ay xilkeeda iyo maamuuska ay Guriga Cad ku leedahay uga faa’iidaysato in ay ku caawiso carruurta, ee aanay uga faa’iidaysan buug iibinta.

Waxaa xusid mudan in furniinkii Ivana iyo Trump ay sababtiisu ahayd hinaase, kadib markii ay xilligaas soo baxday fadeexad warbaahintu qortay oo sheegaysay in maalqabeenka Trump uu xidhiidh jacayl la leeyahay gabadh kale oo uu ka qariyo xaaskiisa Ivana.

Shares 0