Amiirka Leh Dhaxalka Boqortooyada Dalka Ingiriiska Oo Waraysi La Yeeshay Barak Obama Isaga Oo BBC-da Matalaya.

by admin | Thursday, Jan 4, 2018 | 277 views

Wiilka leh dhaxalka boqortooyada dalka Ingiriiska Amiir Hary Charless ayaa maalmihii u dambeeyey ku gudo jiray tababar dhinaca warbaahinta ah, taas oo markii uu u gudbay barashada qaybta tebinta wararka ee Idaacadaha uu uga faa’idaystay in uu waraysi la yeesho dad magac ku leh dunida.

Amiir Harry oo tababarkan shaqo ku jooga idaacadda BBC laanteeda Kanaal 4 ayaa waxa kale oo uu waraysiyadan mid ka mid ah oo la sii daayey Arbacadii toddobaadkii hore uu la yeeshay madaxweynihii hore ee Maraykanka ee Barak Obama.

Amiir Hary Charless waxa uu waraysigiisan xoogga ku saaray arrimo la xidhiidha caafimaadka maskaxda  iyo ciidamada, hadallada xiisaha leh ee uu Obama u sheegayna waxaa ka mid ahaa; in markii uu ka tagey Guriga Cad ee dalka Maraykanka looga arimo uu dareemayey nafisanaan badan iyo raaxo niyada ah.

Obama waxa uu sheegay in isaga oo og aanay u suurtogelin qabashada wax badan oo ka mid ah arrimihii uu doonayey in uu qabto muddada uu xilka madaxweynaha Maraykanka hay, haddana maalintii xilku ka dhammaaday uu dareemayey culays badan oo ka dhacay iyo in maskaxdiisu dareemayso nasasho iyo farxad.

Shares 0