DAAWO: Madax Waynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Baxay Dalka Itoobiya.

by admin | Tuesday, Jan 16, 2018 | 144 views

Madax waynaha jamahiiriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya. Muuse Biixi Cabdi ayaa safarkiisii labaad ugu ee dibada ah ugu baxay Itoobiya kadib markii uu dhawaan booqasho rasmi ah ku soo qaatay dalka Jabuuti.

Madax wayne Muuse Biixi Cabdi oo gabi ahaanba badalay dhaqankii safar bixida madax waynayaashii ka horeeyay ayaa markale lagu war helay isaga oo dalka ka dhoofay iyada oo ayna markale jirin qaabkii wadooyinka loogu xidhi jiray madax waynayaashii ka horeeyay marka ay dalka booqasho tan oo kale ah kaga baxayaan.

Waftida uu Madax wayne Muuse Biixi Cabdi ula safray Itoobiya waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, wasiirka waxbarahsada iyo sayniska  Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratuun, wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska ee Maxamuud Xasan Sacad Saajinka iyo taliyaha guud ee milatariga Somaliland ee Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka markii uu waqtiga Madax wayne Muuse Biixi Cabdi uu Ka duulayay garoonka diyaaradaha Somailand ee Cigaal International Airport.