SAWIRO: Maxay Madax Waynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Ee Hailemariam Desalegn Ka Yidhaahdeen Kulankii Adis Ababa Ku Dhex Maray?

by admin | Tuesday, Jan 16, 2018 | 257 views

Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya ee Hailemariam Desalegn.

Markii uu waftiyga Somaliland ka degay caasimada Itoobiya ee Adis Ababa waxaa loo soo dhaweeyay si wayn iyada oo kadib madax wayne Biixi iyo Hailemariam Desalegn ay kulan wada qaateen waxayna kadib la hadleen saxaafada iyaga oo ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo si wayn u qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaanna wadahadal dhexmaray kadib ay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen Madaxtooyada Itoobiya oo ay ku faahfaahiyeen arrimaha ay ka wadahadleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu yidhi, “Waxaannu ka wadahadalnay arrimo dhawr ah oo ku saabsan ammaanka, iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee dalalkayaga, arrimaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana kuwa labadayada dal. Waxaannuna aad ugu mahadcelinaysaa soo dhawaynta Ra’iisal-wasaaraha iyo wadashaqayntiisa arrimaha naga dhexeeya.”

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxa uu yidhi, “Waxaannu ka wadahadalnay nabadgalyada, waayo amniga Itoobiya waa amniga Somaliland, sidoo kalena ammaanka Somaliland waa sidaa si la mid ah…..Waxaannu Somaliland ka wadashaqaynaynaa bilowga iyo horumarinta jidka Berbera Coridor (waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya), annagoo la kaashanayna saaxiibada mashruuca Coridor la wada (Partners), si aannu uga faa’iidaysano mashruucan horumarineed qaab waxtar u leh dhinac walba.”