DAAWO: Waftigii Uu Madax Wayne Muuse Biixi Cabdi Kula Maqnaa Dalka Itoobiya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada Hargayska Iyo Faah Faahinta Waxyaabihii Laga Wada Hadlay.

by admin | Thursday, Jan 18, 2018 | 169 views

Waftigii uu hogaaminayay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ee dalka Itoobiya booqashada rasmiga ah ku joogay ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa kadib markii ay wada hadalo guud iyo kuwo gooni-gooni ah ay la soo yeesheen masuuliyiinta dowlada dhexe ee dalka Itoobiya.

Waftiga uu hogaaminayay madax waynaha jamahiiriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa January 16 u duulay caasimada Itoobiya ee Adis ababa  wuxuuna ahaa  booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaadka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya.

Markii uu waftiyga Somaliland ka degay caasimada Itoobiya ee Adis Ababa waxaa loo soo dhaweeyay si wayn iyada oo kadib madax wayne Biixi iyo Hailemariam Desalegn ay kulan wada qaateen waxayna kadib la hadleen saxaafada iyaga oo ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Laakiin waxaa jiray kulamo gaar -gaar ah oo ay wasiirada Muuse Biixi Cabdi la socday la qaateen dhigooda Itoobiya waxaana markii uu waftiga Madax wayne Biixi soo laabtay saxaafada la hadlay wasiirka wax barashada Somaliland wuxuuna isaga oo saxaafada laayay halkan ka daawan kartaa muuqaalkiisa.

Shares 0