Daawo Qaabkii Faah Faahsanayd Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uga Jawaabay Su’aalo Tito Badan Oo Ay Warbaahintu Waydiisay Kadib Shirkii Jaraa’id Ee Uu Maanta Qabtay.

by admin | Saturday, Jan 20, 2018 | 210 views

Madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi oo sidii aanu idiin soo gudbinay maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa markii uu hadalkiisa dhamaystay waxaa su’aalo daran doori ah la boobay saxaafada oo tan iyo markii xafiiska madaxtooyada loo dhaariyay aan helin waqti ay ku waraystaan wuxuuna Muuse Biixi Cabdi si furan uga jawaabay su’aalihii ay wariyaasha ka socday warbaahinta kala duwan waydiiyeen.

Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobadii uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay kadib markii su’aalo dheeraad ah laga waydiiyay wuxuuna qiray in ay jiraan ha’ydo u kala dabqaaday dawlada Somaliya laakiin waxa uu beeniyay warar sheegayay in ay si toos ah telefoon uga wada hadleen Madax waynaha Somaliyiya Maxamed Cabdilahi Framaajo.

Muddane Biixi ayaa saxaafada uga jawaabay su’aalo kala duwan iyada oo ayna jirin cid u dhexaysay saxaafada iyo isaga wuxuuna si faah faahisan uga hadlay xaalada xuduuda Somaliland gaar ahaan Tuka-raq oo si gaar ah wax looga waydiiyay, haddii ay Madax waynaha Puntland Muddane Gaas ay wada hadleen iyo arimo aad u badan.

Haddaba akhriste halkan si buuxda ugaga bogo su’aalihii warbaahinta iyo waliba jawaabihii faah faahsanaa ee uu Muuse Biixi Cabdi ka bixiyay.