DAAWO: Xaalada Amaanka Xuduuda Somaliland & Hadaladii Madax Dhaqameedka, Go’aanka Ay Ka Gaadhi Doonaan Sixir Bararka Iyo Madax Wayne Muuse Biixi Cabdi Oo Shir Jaraa’id Qabtay

by admin | Saturday, Jan 20, 2018 | 149 views

Madax waynaha Jamahuurida Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arimo badan oo su’aalo badan layska waydiinayay, wuxuuna ugu horayn ka hadlay xaalada uu dalku marayo isaga oo si gaar ah uga hadlay amaanka gudaha iyo xuduuda Somaliland.

Muddana Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xaalada hadalo turxaan xun dhex dhigay shacabka Somaliland oo madax dhaqameeyo is dhaafsadeen wuxuuna sheegay in waqti la siinayo dadkan si ay uga waan toobaan erayada aan aduunka, aakhiro iyo midnimada Somaliland midkoodna u fiicnayn.

Muddane Biix ayaa sidoo kale fariin adag u diray dawlada Somaliya wuxuuna sheegay in Somaliland iyo Somaliya ayna midkoodna dani ugu jirin dagaal hadda la soo abaabulo wuxuuna xusay in Somaliland ayna dagaal wadin balse ay waajib ku tahay in ay xuduudeeda ilaashato.

Muuse Biixi Cabdi ayaa madax waynaha Somaliya ee Farmaajo uga digay in uu dhibaato cusub abuuro wuxuuna ku adkaystay in aan dawladiisa abid dagaal looga guulaysan oo ay is difaaci doonaan haddii lagu soo xadgudbo.

Dhinaca kale madax waynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arinta ay dadka Somaliland sida wayn guu dhegtaagayeen ee sixir bararka wuxuuna sheegay in dhawrka maalmood ee soo socda ay go’aano ka soo saari doonaan balse ay doonayeen in ay gaadhin go’aan laab la kac ah oo ay xog ka ururiyeen dhinacyada ay arintani khusayso.

Haddaba halkan ka daawo shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi iyo qodobadii uu kaga hadlay oo faah faahsan.

Shares 0