DAAWO: Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Ka Hadlay Dagaalkii Beelaha Walaalaha Ah Ku Dhex Maray Deegaanka Dardar Wayne.

by admin | Tuesday, Jan 23, 2018 | 135 views

Wasiirka wasaarada arimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaalada colaadeed ee beelaha walaalaha ah ku dhex maray deegaanka dardar wayne wuxuuna muujiyay sida ay xaaladani u tahay mid murugo badan oo ay tahay in si deg deg ah loo joojiyo wax walba oo colaad ka abuuraya deegaankan.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa cadeeyay in ciidanka qaranka Somaliland uu ku hawlan yahay dejinta xaaladan isaga oo xaqiijiyay in ciidamo dheeraad ah iyo waliba booliis laga qaaday caasimada Hargaysa si loo xaliyo dhibaatada soo noq-noqtay ee u dhexaysay beelaha walaalaha ah ee dhal-iyo dhasheeda ah ee colaadu dhex martay.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku dooday in colaadan aan lagu sababayn karin in wax garadkii labada beelood ay go’aamiyeen balse waxa uu sheegay in uu yahay dagaal ay sameeyeen dad shar wadaal ah wuxuuna ugu baaqay in dadka laga daayo dhibta maadaama oo ay deeganadani yihiin kuwii ay abaarta ugu xumi ku dhacday.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka wasiirka arimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo xaaladan ka hadlaya.

Shares 0

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan