DAAWO: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Oo Maanta Dhaariyay Golaha Wasiirada Somaliland, Madax Wayne Biixiyo Iyo Saylici Oo Goob Joog U Ahaa.

by admin | Thursday, Jan 25, 2018 | 140 views

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali ayaa maanta dhaariyey xubnaha golaha wasiirada xukuumada Somaliland waxaana xafladii dhaarinta golaha wasiirada ka soo qayb galay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Sida uu sharcigu dhigayo golaha wasiirada Somaliland ayay waajib qaran ku tahay in loo dhaariyo xilka masuuliyada ay qaranka u hayaan kadib markii ay baarlamaanku dhawaan ansixiyeen.

Gudoomiiyaha maxkamada sare Prof Aad Xaaji Cali ayaa si wadar ah u dhaariyay golaha wasiirada Somaliland iyada oo la tixraacayo qodobka129 aad ee dastuurka Somaliland kaas oo sheegaya in masuul kasta oo qaranka xil ka qabta lagu dhaarinayo kitaabka Alle.

Halkan ka daawo muuqaalka Dhaarintii Golaha Wasiirada Xukuumada Biixi:

Shares 0

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan