Scroll to Top

Warsoor – Somali News Media Network

Isha Wararka Sugan

Waftigii uu hogaaminayay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ee dalka Itoobiya booqashada rasmiga ah ku joogay ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa kadib markii ay wada hadalo guud iyo kuwo gooni-gooni ah ay la soo yeesheen masuuliyiinta dowlada dhexe ee dalka Itoobiya. Waftiga uu hogaaminayay madax waynaha jamahiiriyada Somaliland...

Kanaalka tobnaad ee talefishanka Israa’iil ayaa baahiyey muuqaal xayeysiiska barnaamij ku saabsan ururka Akhwaanul Muslimiinta oo uu diyaariyey saxafi Yuhuudi ah oo inta uu isu ekeysiiyey muslim, sheegtay in uu yahay sheekh ka tirsan Akhwaanul Muslimiinka, taas oo u fududaysay in uu dhexgalo ururka iyo shaqooyinkiisa kala duwan gaar ahaan dalalka reer galbeedka. Muuqaalkan...

Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya ee Hailemariam Desalegn. Markii uu waftiyga Somaliland ka degay caasimada Itoobiya ee Adis Ababa waxaa loo soo dhaweeyay si wayn iyada...

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo toddobaadkan dhammaaday dalka yimid, kuwaas oo dib u laabtay. Weftigan oo la sheegay inay ka koobnaayeen 7 xubnood, inkastoo aanay madaxtooyadu war rasmi ah ka soo saarin haddana waxa ay ujeedadoodu ahayd sidii ay Madaxweynaha ugala hadli lahaayeen arrimaha saldhiga Berbera...

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay waaran qabasho oo dhan 55 oo lagu soo qabanayo dad ka kala tirsan kililada Soomaalida iyo Oromada oo lagu eedeeyay inay si weyn uga qayb qaateen rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee dhex maray labadaas qoomiyadood. Wasiirka difaaca Itoobiya Siraj Fegessa oo sidoo kale ah xoghayaha guddiga amniga Itoobiya, ayaa masuuliyiinta...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga. Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne...

Wiilka leh dhaxalka boqortooyada dalka Ingiriiska Amiir Hary Charless ayaa maalmihii u dambeeyey ku gudo jiray tababar dhinaca warbaahinta ah, taas oo markii uu u gudbay barashada qaybta tebinta wararka ee Idaacadaha uu uga faa’idaystay in uu waraysi la yeesho dad magac ku leh dunida. Amiir Harry oo tababarkan shaqo ku jooga idaacadda BBC laanteeda Kanaal 4 ayaa waxa...

Baadhitaano iyo daraasad lagu sameeyay hubka ay isticmaasho kooxda ka dagaalamaysa wadamada Iraq iyo Syria kuwaas oo magacooda loo yaqaan  Islamic State of Iraq and Syria (ISIS). Baadhitaano soo socda tan iyo sanadkii 2014 kii ilaa sanadkan dhamaadka ah ee 2017 ayaa lagu ogaaday wadamada ay ISIS ka hesho hubka casriga ah ee ay ku dagaalanto. Waxaa daraasadan sameeyay...

Xaaskii hore ee madaxweynaha Maraykanka ee Ivana Trump oo ay soo wada qaateen waqtigii u dhexeeyay 1977 illaa 1992 kii, ayaa isku sheegtay in ay tahay marwada koowaad ee dalka Maraykanka kadib markii ay ay dhowaan waraysi siisay talefishanka ABC oo ay uga warbixinaysay buuggeeda xusuusqorka ee ay soo saartay. Xaaska uu imika qabo Trump oo ah Marwada Koowaad ee Maraykanka...

Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay meel adag ka taagantahay islamarkaana ay wax walba ka xigto in hawada Somaliland ay mamausho dawladda Somaliya, ka dib markii ay hay’adda ICAO khamiistii maamulka hawada Soomaalida ku wareejisay dawladda Somaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale...

Qaramada midoobay ayaa qiimayn dhamaystiran oo ay sanadkan 2017 samaysay ayaa lagu sheegay in dawlada federaalka Somaliya ay ku guulaysatay la dagaalanka musuq maasuqa, waxaana warkan soo saaray wakiilka ergayga xogahaya guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya ee Micheal Keating ayaa dawlada Somaliya si wayn ugu amaanay horurka laga sameeyay dhinaca xasiloonida...

Muran xooggan oo ku saabsan soonka bisha Ramadaan ee sannadka 2018 ka ayaa ka dhex jira dalka Masar kadib markii la ogaaday in koobka aduunka ee sanadka cusub ee 2018 uu  oo ku beegmayo waqtiga bisha Ramadaan,waxayna taasi khilaaf ka dhex qarxisay tiro aad u badan oo ka mid ah ciyaartoyga xulka qaranka ee kubadda cagta dalka Masar iyo tababarahooda Arjentiiniga ah ee...

Imaaraadka Carabta ayaa mid ka mid ah abiiradii cusmaaniyiinta ku tilmaamay in uu budh cad ahaa waxaana taas jawaab adag ka bixisay dawladda Turkiga oo ku dhawaaqday in waddada hormarta safaaradda dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu ku leedahay magaalada Ankara loogu magac dari doono Fakhruddiin Baasha oo ahaa Janaraalkii dawladda Cusmaaniyiinta u qaabilsanaa magaalada...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay siyaabaha loola dagaalami karo argagixisada ama xagjirnimada haddii ay dadka samaynayaa dad gaalo ama muslim ah yihiin iyo weliba aragtidiisa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu kaloo Qaramada Midoobay ugu baaqay inay aqoonsadaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland oo uu tilmaamay in...

Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay xukuumadda Somaliland ayaa  hakad galisay hawlaha saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay magaalada Berbera. Iyada oo dawladii waqtigeedii dhamaaday ee Axmed Siilaanyo Imaaraadka carabta la gashay heshiisyo muran badan dhaliyay oo uu ka mid yahay saldhiga milatari ee Berbera ayay soo baxaan warar sheegaya...