Scroll to Top

Warsoor – Somali News Media Network

Isha Wararka Sugan

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali ayaa maanta dhaariyey xubnaha golaha wasiirada xukuumada Somaliland waxaana xafladii dhaarinta golaha wasiirada ka soo qayb galay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici. Sida uu sharcigu dhigayo golaha wasiirada Somaliland ayay waajib qaran ku tahay in loo dhaariyo...

Wasiirka wasaarada arimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaalada colaadeed ee beelaha walaalaha ah ku dhex maray deegaanka dardar wayne wuxuuna muujiyay sida ay xaaladani u tahay mid murugo badan oo ay tahay in si deg deg ah loo joojiyo wax walba oo colaad ka abuuraya deegaankan. Maxamed Kaahin Axmed ayaa cadeeyay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay’adda shaqaalaha dawladdu. Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan oo faahfaahsan uga hadlay arrimo door ah oo ku wajahan ammaanka qaranka, gardarrada maamulka Muqdisho ku hayo gobollada bariga Somaliland, sicir-bararka, abaaraha iyo guud ahaan xaaladda guud ee ay Somaliland waqtigan ku sugan tahay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id...

Madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi oo sidii aanu idiin soo gudbinay maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa markii uu hadalkiisa dhamaystay waxaa su’aalo daran doori ah la boobay saxaafada oo tan iyo markii xafiiska madaxtooyada loo dhaariyay aan helin waqti ay ku waraystaan wuxuuna Muuse Biixi Cabdi si furan uga jawaabay su’aalihii...

Madax waynaha Jamahuurida Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arimo badan oo su’aalo badan layska waydiinayay, wuxuuna ugu horayn ka hadlay xaalada uu dalku marayo isaga oo si gaar ah uga hadlay amaanka gudaha iyo xuduuda Somaliland. Muddana Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xaalada hadalo turxaan xun dhex dhigay...

Waftigii uu hogaaminayay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ee dalka Itoobiya booqashada rasmiga ah ku joogay ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Hargaysa kadib markii ay wada hadalo guud iyo kuwo gooni-gooni ah ay la soo yeesheen masuuliyiinta dowlada dhexe ee dalka Itoobiya. Waftiga uu hogaaminayay madax waynaha jamahiiriyada Somaliland...

Wasiirka hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana ahaa la taliyihii gaarka ee Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa ka hadlay safarka Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, nidaamka ku cusub safarada Xukuumadda, ee dhinaca Safarada Madaxweynaha iyo  tirikoobka Shaqaalaha. Wasiirkii hore ee Arrimaha...

Kanaalka tobnaad ee talefishanka Israa’iil ayaa baahiyey muuqaal xayeysiiska barnaamij ku saabsan ururka Akhwaanul Muslimiinta oo uu diyaariyey saxafi Yuhuudi ah oo inta uu isu ekeysiiyey muslim, sheegtay in uu yahay sheekh ka tirsan Akhwaanul Muslimiinka, taas oo u fududaysay in uu dhexgalo ururka iyo shaqooyinkiisa kala duwan gaar ahaan dalalka reer galbeedka. Muuqaalkan...

Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay madax waynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya ee Hailemariam Desalegn. Markii uu waftiyga Somaliland ka degay caasimada Itoobiya ee Adis Ababa waxaa loo soo dhaweeyay si wayn iyada...

Madax waynaha jamahiiriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya. Muuse Biixi Cabdi ayaa safarkiisii labaad ugu ee dibada ah ugu baxay Itoobiya kadib markii uu dhawaan booqasho rasmi ah ku soo qaatay dalka Jabuuti. Madax wayne...

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo toddobaadkan dhammaaday dalka yimid, kuwaas oo dib u laabtay. Weftigan oo la sheegay inay ka koobnaayeen 7 xubnood, inkastoo aanay madaxtooyadu war rasmi ah ka soo saarin haddana waxa ay ujeedadoodu ahayd sidii ay Madaxweynaha ugala hadli lahaayeen arrimaha saldhiga Berbera...

Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018, hoolka shirarka golaha wasiirada...

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lix hay’adood oo hore gaar u ahaa, wuxuu hoos geeyay lix wasaaradood oo kala duwan, waxaanay ka mid noqonayaan waaxo ka tirsanaan doona wasaaradaha lagu daray. Dhawaan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu soo saaray xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda. Laakiin saxaafadda looma soo bandhigin xeer-nidaamiyahaas,...

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay waaran qabasho oo dhan 55 oo lagu soo qabanayo dad ka kala tirsan kililada Soomaalida iyo Oromada oo lagu eedeeyay inay si weyn uga qayb qaateen rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee dhex maray labadaas qoomiyadood. Wasiirka difaaca Itoobiya Siraj Fegessa oo sidoo kale ah xoghayaha guddiga amniga Itoobiya, ayaa masuuliyiinta...